logo

Monday 06th of September 2010

Login Form




Home Sheeko Cigaal Shiidaad Cigaal Shiidaad Iyo Sheekooyinkiisa
Cigaal Shiidaad Iyo Sheekooyinkiisa

Sheekoyinka Cigaal Shiidaad waa sheekooyinka ugu xiisaha badan. Cigaal Shiidaad oo lagu xanto inuu yahey nin fuley ah, ayaa ahaa nin aad iyo aad u murti badan oo markastana fuleyniadiisa ku qariya murti.

Hadaad tusaale u soo qaadano:

  • Markii uu baqdin owgeed isku soo xaarey wuxuu yidhi isagoo xaaskiisii la hadlaya 'Naa daruur qudhunteybaa iheshee ila soo gaadh biyo aan iskaga meeydho'. Waxaa jirta in qofkasta og yahey inaaney jirin daruur qudhuntey. Taasina waxey sababtey iney noqoto murti loo isticmaalo in lagu qariyo arimo aan ladooney in laga sheekeeyo.
  • Markkale, Cigaal markii uu habeenkii oo dhan hor fadhieyey kurtinka (waa geedka lagooyo inta ka soo hadhey) isagoo u maleynaya libaax ayuu markii uu waagu baryey arkeyna inuu yahey kurtin, yidhi 'Ma waxaan ku moodey, mise waxaad noqotey mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku moodey bahal waxaadse noqotey kurtin. Waxaanse loo noqondoonin guure habeen'. Murtidan ayey dadku u adeegsadaan, marka waxaanad fileynin kaaga soo baxaan meel.

Haddaba haddaad heyso sheeko macaan oo murti leh, fadlan ka sameyso account halkan oo ku daabac shooko kasta ood u aragto iney dhaxal gal u tahey caruurteena iyo dhaqankeena.


 

Comments 

 
#1 Adam 2010-08-22 18:43
Sheekadii cigaal (WAR AMAY NAGU DARAAN INKAAR QABAHA)

wiil uu cigaal shidaad adeer u yahay ayaa ladilay markasaa waxaa ay dhaheen tolkisii aanu ka soo aarsano oo usoo aarno willkenii. Cigaal shidaad ayaa loosheegay inay ragu ku tala galeen inay usoo araan wiilkii uu adeerka u ahaa markasuu cigaal wuxuu isleeyahay isagoo isla hadlaya, " war inkaar qabaha amay nagu daraan anagana" sidii baa dagaal loogu diyaar garoobay.

Cigaal wuxuu ahaa ninka raga ugu geesisan sida sheekada ka muuqata, raga geesiyada ahna fardaha kuwa ugu dhereeya ayaa lasiin jiray.

waxaa dhacday in cigaal faras dhereeya lasiiyo. waxaa dhacday faraskii inuu dadkii oo dhan kala dhexbaxo cigaal oo saaran ileen fardaha oo dhan ayuuka dhereyaa. cabaar markuu ka hormaray dadkii oodhan ayuu cigaal shidaad is yiri " war balaayadu amuu col iila galaa dhereyaa"

hal marbuu iska tuuray faraskii oo gurigii dib oogu soo laabtay.

dadkii ayaa wareestay oo yiri "CIGAAL MAXAA DHACAY SOTAAD DAGAALKII KA QAYBGASHAY MA AHAN" Cigaal wuxuu ku jawaabay " waalaisku baa ba'ayoo faraskaygii waa dhintay manta waranbaa caloosha ka soo riday" sheekadii isagoo wada ayaa farayskii soociyay oo guriga gasadiisa soo sitaagay, markasay dadkii dhaheen faraskii Cigaal shidaad waa kanaaa. inta isla hadlay ayuu yiri "sharafta alla kaa qaad, muusugo intaan hadalka dhameenayo"


fadlan hadaad sheekadan sikale u xafidsantahay oo aad isledahay waa qalday, waad isixi kartaa adoo aad u mahadsan. Thanks
Quote