logo

Monday 06th of September 2010

Login Form




Home Sheeko Cigaal Shiidaad Daruur qudhuntey
Daruur qudhuntey PDF Print E-mail

Cigaal Shiidaad ayaa habeen wuxuu damcey inuu reer u dhawaa u tago. Meeshuna waa neel miyi ah oo dhirta iyo doogu cirkaas marayaan. Habeenkaasina wuxuu ahaa habeen gudcur ah oo haddii indhaha faraha lagaa galiyo aanad waxba arkey. Cigaal Shiidaad markuu meedhexe marayo, oo aanu gaadhin reerkuu u socdey, reekiisiina ka fogaadey, ayuu arkey dundumo. Cigaal ayaa istaagey oo baqey. Intuu dib u jeestey ayuu cagaha wax ka dayey. Cigaaloo  sida miiga u duulaya oo naxdintii xaar iyo kaadi isku siidaayey ayaa reerkiisii ku soo dhawadey. Wuxuuna u dhawaaqey xaaskiisii isgoo leh 'Naa oodda iga qaad'. Hase ahaatee intaaney xaaskiisii sooba gaadhin oodii ayuu soo jiidhey. Cigaalloo xaar ka soo urayo ayaa xaakiisii xufta ku dhaafey oo aqalkiisii dalaq yidhi. Xaakiisii oo yaaban ayaa soo gashey aqalkii oo tidhi waa Cigaal maxaa kaa soo uraya. Markaasuu ugu jawaabey 'Naa daruur qudhuntey baa nashey'.