logo

Monday 06th of September 2010

Login Form




Home Sheeko Cigaal Shiidaad Rag Leyskuma Siidaayo
Rag Leyskuma Siidaayo PDF Print E-mail

Cigaal Shiidaad oo ardaaga fadhiya ayaa waxaa ku soo gurguurtey inankiisii (wiilkiisii) yaraa oo sanadka jirey. Mar kaasuu Cigaal Shiidaad dib u gurtey. Xaaskiisii oo meel aan ka fogey fadhida ayuu ku yidhi 'Naa iga qabo, naa iga qabo'. Xaaskiibaa ugu jawaabtey 'waar waa inankaagiiye muxuu ku jeelayaa'. Cigaal baa ku calyey markale 'naa iga qabo'. Hase ahaatee xaaskiisii dheg umey dhigin. Kii yaraabaa wali xagii aabihiis u sii gurguurtey. Cigaal baa warankiisii la soo baxey. Markaasuu intuu isla ka jiidey warankii ayuu inankiisii yaraa ku gamey. Warankiibaa kiiyaraa sigey oo ku dhacey agtiisa. Xaaskii Cigaal baa naxdey oo intey inankeedii la boodey tidhi 'habaar kugu dhacye caruurta hana leyn'. Cigaal baa kadibna yidhi naa sow ku maanan odhan naga qabo rag leykuma soo daayee.


Waa maxey dulucda (ujeedada) sheekadu? Ka dhiibo fikraddaada.


 

Comments 

 
#1 Adam 2010-08-22 19:06
Rag laiskuma daayo ayay ku socotaa shekadu. 2 nin oo isdagaalaya hadaad jidka ku aragto waxaa dhacda hadiyo goor inaad kala qabato oo aad xaalada dajiso siday noqotaba. waxaa laga yabaa 2 daas nin in mid laga taqaluso weeye macnuhu oo nin bad baadi baa looga jedaa fikrad ahaantayda. thanks
Quote