Monday 06th of September 2010
| Maxaad ka taqaan Cigaal Shiidaad |
|
|
|
|
CigaalShiidaad.com waa website loogu talagaley inaad ku daabacdo sheekooyinkii ku xiiso galiyey ood ilaawi weydey si dadka kale kuulo qeybsadaa sheekadas kana dhigtaan madadaalo. Ninka caanka ku ah sheekooyinka Soomaalida 'Cigaal Shiidaad' wuxuu reebey murti badan. Taasoo ilaa iyo maanta laga dhigto murti, madadaalo iyo wali maahmaahyo. Sida 'Col hortii jabey', 'Daruur Qudhunteybaa iheshey' iyo kuwo kale ood garaneysaan. Haddaba nasiib xumo muritidaas iyo madadaaladaas ay aabeyaasheen inooga soo gaadhsiiyeen ayaa ku dhow iney lunto. Maadaaba ilowshii batey qoraalkiina aanu kobcin. Sidaas awgeed ayaan dhalinyarada cigaalshiidaad.com waxey idiin diyaarisay hukbii aad ku badbaadin laheyd murtidaas.
|


