Monday 06th of September 2010
| Ma waxaan kumoodey... |
|
|
|
|
Cigaal Shiidaad oo habeen guureynaya ayaa wuxuu ku soo baxey kurtin (geed lagooyey) oo bahal u eg. Cigaal ayaa istaagey oo yidhi wallee waa libaax waxan ku hortaagan. Halkii buu difaac ka galey isgoo kutinkii iska eegaya inuu ku soo boodo. Waxba yaan sheekada ku dheereyne waagii ayaa sidii isgu beryey isaga iyo kurtinkii. Markii uu xaqiiq sadey inuu yahey kurtin wixii uu xaley oo dhan hor fadhiyey oo aanu bahal aheyn bahal, ayuu yidhi 'Ma waxaan ku moodey mise waxaad noqotey, mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku moodey bahal waxaase noqotey kurtin waxaanse loo noqon doonin guure habeen'. |


